Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo u ambabaxay Aljeeriya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay Magaaladda Algiers ee caasimadda wadanka Algeria.

, Wafdiga uu hoggaaminaayo guddoomiyaha ayaa la filayaa in uu dalkaasi uga qeyb galo shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta oo maalmaha soo socda ka furmi doona caasimadda Algiers .

Shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta ayaa sanadkaan looga hadli doonaa arrimaha wadamada Carabta gaar ahaan xaaladda dadka Falastiin.