𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐈𝐭𝐨𝐨𝐛𝐢𝐲𝐚

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Hon.Yusuf Mohamed Adan ayaa maanta kulan labo geesood ah la yeeshay Wasiirka Shaqada iyo Xirfadaha ee Dowladda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya, Marwo Muferihat Kamil Axmed, kaas oo dhacay intii lagu gudajiray Shirweynaha Hal-abuurnimada Afrika.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan arrimaha shaqo-abuurka, horumarinta xirfadaha, iyo tayeynta suuqa shaqada Geeska Afrika.

Labada Wasiir waxay isla meel dhigeen in la bilaabo barnaamijyo wadajir ah sida: socdaallo waxbarasho, tababarro oo la xiriira xirfadaha farsamada gacanta, iyo hirgelinta nidaam dijitaal ah oo mideeya xogta suuqa shaqada.

Kulanku wuxuu kusoo dhammaaday ballanqaad labada dhinac ay ku muujiyeen in la dhiso guddi farsamo oo iskaashi joogto ah sii wada, kuna saleysan walaaltinimo, horumar iyo is-ixtiraam.