Wafdi ka socoda Wasaaradda Ganacsiga oo 𝐤𝐚 q𝐞𝐲𝐛-𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢 𝐞𝐞 𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohamud Abdullahi Ahmed (Abukaate), ayaa maanta ka qeyb-galay Meertada 11-aad ee Shirweynaha Iskaashiga Ganacsi ee u dhaxeeya Shiinaha iyo Wadamada carabta, oo si rasmi ah ah uga furmay magaalada Haikou oo ah caasimada gobolka Hainan ee Jamhuuriyada Shiinaha.

Shirkan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhaqaale midka maalgashi iyo hormarka warshadaha ee labada dhinac, sido kale shirkan ayaa waxa kaso qeyb-galay madax sare oo ka kala socota dalalka Carabta iyo Shiinaha, kuwaas oo ka wada hadlayay fursadaha cusub ee iskaashi iyo hormarinta xariirka labada geesoodka ah.