Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Kampala kaga qeybgelaya Shir-Madaxeed looga hadlayo Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo qaabilay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ciraaq, Mudane Cabdul Amiir Al Shammari, kana guddoomay dhambaal uu ka siday Madaxweynaha Ciraaq.

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatey Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya, isagoo kala hadley iskaashiga istiraatijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

4-Madaxweyne Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo qaabilay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Dalka Jabuuti, ahna Madaxweyne ku xigeenka CAF Mudane Suleymaan Xasan Waaberi.

5-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo bogaadiyay guulaha Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa degaanka ay ka soo hoyeen dagaalka lagula jiro argagixisada Khawaarijta ah.

6-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kulan la qaatey Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ciraaq Mudane Cabdul Amiir Al Shammari oo booqasho ku jooga Soomaaliya.

7-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre  oo daahfuray Hirgelinta Siyaasadda Qaran ee Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka, isagoo sheegay in siyaasaddani tahay mid xoojinaysa cududda shaqaalaha Soomaaliyeed.

8-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre  ayaa dhambaal tahniyad ah u diray dhiggiisa Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Serbia Mudane Đuro Macut, iyo Golihiisa Wasiirada ee cusub.

9-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay ayaa guddoomiyay shirar muhiim ah  uu la yeeshey guddi hoosaadyada abaabulka iyo wacyigelinta, iyo kan dhaqaalaha iyo taakuleynta.

10- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) Iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kulan la qaatay Guddiga La-Socodka iyo Dib u Eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

11- Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige oo  la wareegay hoggaanka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika  oo ay ku mideysan yihiin dalalka  Soomaaliya, Jabuuti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Suudaan iyo Koonfurta Suudaan.

12- Ciidamada Qalabka Sida iyo geesiyayaasha degaanka oo   jab xooggan gaarsiiyey Khawaarijta oo weerar ku soo qaaday deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo lagu dilay in ka badan 40 dhagarqabayaal oo argagixiso ah.

13- Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha   Maxamuud Cabdiraxmaan  Sheekh Faarax oo  kulan miro-dhal ah la yeeshay Danjiraha Denmark ee Soomaaliya, Mudane Steen Sonne Andersen.

14- Wasiirka  Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga  Axmed Xasan Aadan ayaa  shir la yeeshay Xarunta La Socodka iyo Ilaalinta Kalluumeysiga (FMC) ee wasaaradda, halkaas oo looga warbixiyay xaaladda maraakiibta ku sugan badda, gaar ahaan kuwa sharci u heysta iyo kuwa aan sharciga ku joogin

15- Wasiirka Arrimaha Gudaha  Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh  oo kulan la yeeshay Ku-Simaha Safiirka Norway u fadhiya Soomaaliya Carsten Carlsen, iyagoo ka wadahadley arrimaha dib u heshiisiinta, dimuqraadiyadeynta, doorashooyinka, geeddi socodka nabad dhiska iyo xasilinta.

16- Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya oo sharci darro ku tilmaantey tallaabo uu Maamulka Puntland ku sameysanayo warqado aqoonsi, taas oo baal marsan aqoonsiga qaranka ee dastuurka uu jideeyay.

17- Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macallin Fiqi  ayaa mar kale ku celiyay in dowladda iyo shacabka  Soomaaliyeed ay ka go’an tahay in dalka laga ciribtiro Khawaarijta.

18- Wasiirka Beeraha iyo Waraabka  Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye)  ayaa kulan la yeeshay mas’uuliyiinka Shirkadda  Bariiska ee Danwadaag si loogu wareejiyo dhaqaale loogu talagalay in lagu  soo iibiyo  mashiinnada casriga ah ee bariiska.

19- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada  Dr. Cali Xaaji Aden  ayaa dhagax-dhigey dhismaha qeybta xaaladaha deg-degga ah  ee Isbitaalka Forlanini/Lasareti ee magaalada Muqdisho.

20- Wasiirka Caafimaadka Dr Cali Xaaji Aadan ayaa  si rasmi ah u daah-furey Tallaalada Oofwareenka iyo Shubanka oo loogu talagaley carruurta Soomaaliyeed.

21- Wasiirka  Arrimaha Gudaha   Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kulan muhiim ah la yeeshay wafdi ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Barnaamijyada Horumarinta (UNDP) iyo Kooxda Isku-dhafka ah ee Taageerada Doorashooyinka (IESG)

22- Wasiirka Maaliyadda  Biixi Iimaan Cige  oo Magaaladda Washington ugu qeyb-galay  shirka xiliga Gu’ga ee  IMF iyo Bangiga Adduunka.

23- Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha  Maxamed Cabduqaadir Cali  ayaa  Xafiiskiisa  ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) ee Soomaaliya.

24- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa deeq dawooyin ah ku wareejiyay Maamulka Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka, waxaana uu sidoo kale booqday dhaawacyada qaar ka mid ah Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa difaaca degaanada ee lagu daweynayo Isbitaalkaasi.

25- Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ayaa  qabatay kulan muhiim ah oo ay iskugu yimaadeen dhammaan howlwadeennada wasaaradda, kulankaas oo loogu talagalay in lagu muujiyo taageero buuxda oo loo fidinayo Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee ku sugan jiidaha Dagaalka.

26- Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada ayaa Muqdisho ku qabatay Ololaha wacayigelinta wajiga labaad ee Toddobaadka Ka-Hortagga Adeegsiga Bacaha iyo ilaalinta bad-qabka   deegaanka.

27- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha   Maxamuud Axmed Aaden  ayaa ka qeybgalay shirka Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Ganacsiga Suuqa Xorta ah ee Afrika  oo lagu qabtay dalka Jabuuti.

28- Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Mongolia oo fadhigeedu yahay Shiinaha Marwo Hodan Cusman  Cabdi   ayaa warqadaha aqoonsiga si rasmi ah ugu gudbisay Madaxweynaha Mongolia, Mudane Khürelsükh Ukhnaa.

29- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallim Cabddulle  ayaa magaaladda   Gaalkacyo ka daah-furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya.

30- Safiirka Soomaaliya u fadhiya  Uganda, Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa kulan la yeelatey Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Uganda, Gen. Apollo Kasiita-Gowa.

31- Qaar ka mid ah naafada gobolka Banaadir ayaa la guddoonsiiyay gaadiidka naafada si ay u gaaraan goobaha diiwaan gelinta kaarka doorashada