Kulanka DFS iyo Dowladda Denmark ee Shirweynaha Sanduuqa Lacagta Adduunka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Mohamed Shire oo qeyb ka ahaa wafdi ka socday Dowladda FS  ayaa kulan muhiim  ah la yeeshay Agaasimaha Guud ee Siyaasadda Horumarinta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Denmark, Marwo Elsebeth Krogh Søndergaard.

Kulankaasi heerka sare ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga horumarineed ee labada dal, iyadoo si gaar ah la iskula eegay sidii taageerada horumarineed ee ay Dowladda Denmark u fidiso Soomaaliya ula jaanqaadi lahayd qorshaha Isbeddelka Qaranka (National Transformation Plan – NTP 2025–2029).

Waxaa sidoo kale kulanka lagu soo qaaday horumarrada laga sameeyay dib-u-habeynta muhiimka ah ee dowladda, gaar ahaan isbeddelka lagu sameynayo nidaamka lacagta dalka (currency reform), oo ah mid laf-dhabar u ah qorshaha horumarinta dhaqaalaha dalka.

Labada dhinac waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay sii xoojinta wadashaqeynta labada dowladood ee ku dhisan kalsooni, daahfurnaan iyo himilo wadaag.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ay ka mahadcelisay Dowladda Denmark doorkeeda firfircoon ee ku aaddan taageerada joogtada ah ee ay siiso shacabka Soomaaliyeed, taas oo ka tarjumeysa saaxiibtinimo iyo garab istaag dhab ah.