Ciidamada Qaranka oo deegaanka Wargaadhi ku dilay khawaarij badan

Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ayaa saakay jab xooggan gaarsiiyey Khawaarijta oo weerar naf la caari ah ku soo qaaday deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana halkaas lagu laayey dhagarqabayaal badan.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, Jeneraal Sahal Cabdullahi Cumar, oo kamid ah saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in la jebiyey Khawaarijta oo deegaanka Wargaadhi ay ku sugan yihiin Ciidamada Qaranka oo cashir u dhigay cadowga.
Qiimeynta khasaaraha gaaray Khawaarijta oo meydadkooda ay dhooban yihiin goobihii lagu dagaalamay ayey ku howlan yihiin Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Wargaadhi, waxaana bulshada la wadaagi doonaa xogta khasaaraha rasmiga ah ee saakay la gaarsiiyey cadowga.
Faahfaahin dhameystiran goordhow kala soco Warbaahinta Qaranka.