Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Washington DC oo lagu qabanayo shirka xiliga Guโga ๐๐ฉ๐ซ๐ข๐ง๐ ๐๐๐๐ญ๐ข๐ง๐ ๐ฌ๐๐๐๐ ee IMF iyo Bangiga Adduunka.
Wafdiga Wasiirka oo ka kooban xubno matalaya xafiisyada Madaxweynaha iyo Raโisul Wasaaraha, Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Bangiga Dhexe iyo Heyโadda Warbixinada Maaliyadda ayaa waxa ay kulamo gaar gaar ah la qaateen madax sare oo ka tirsan labada heyโadood ee shirka qabanaya ka hor inta aysan dhicin kulamada guud ee loo dhan yahay.
Kulamadaan horudhaca ah ayaa ujeedkoodu waxa uu daaranaa sidii Dowladda Soomaaliya ay miiska wada hadalada ula tagi laheyd qorsheyaal cad cad oo ku saleysan hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka iyo helidda fursada maalgalineed ee ay heyโadaha Caalamku bixiyaan si loo maalgaliyo ilaha dhaqaalaha dalka si loo kobciyo wax soo saarka gudaha.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in kulamadii horudhaca ahaa ee uu la qaatay Wakiilada IMF iyo Bangiga Adduunka in ay si guul ah ku soo dhamaadeen, haatanna ay isku diyaarinayaan ka qeyb galka fadhiyada guud oo lagu filayo in uu khudbado ka jeediyo Wasiirka.