Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay Danjiraha Denmark ee Soomaaliya, Mudane Steen Sonne Andersen.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii taageerada horumarineed ee Denmark loo waafajin lahaa Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029).
Qodobada muhiimka ah ee laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa: Adeegsiga nidaamyada dowladda, Dhisidda iyo tayeynta hay’adaha qaranka iyo Isku-duwidda deeqaha horumarineed
Labada dhinac waxay adkeeyeen sida ay uga go’an tahay dhisidda iskaashi waxtar leh oo lagu gaari karo horumar muuqda oo la taaban karo.