Ulaanbaatar: Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, isla markaana ah Danjiraha aan Deganaasho ku lahayn Mongolia (Non-Resident Ambassador), Marwo Hodan Osman Abdi, ayaa maanta warqadaha aqoonsiga si rasmi ah ugu gudbisay Madaxweynaha Mongolia, Mudane Khürelsükh Ukhnaa, xaflad ka dhacday Madaxtooyada dalkaasi.
Xafladdan ayaa calaamad u ahayd dib u soo nooleynta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Mongolia kaas oo soo bilaabmay 28 Febraayo, 1971. Calanka Soomaaliya oo markale laga taagay caasimadda dalkaas Ulaanbaatar wuxuu astaan u yahay bilow cusub oo ku saleysan dan wadaag iyo iskaashi horumarineed oo qoto dheer.
Mongolia waa dal dhaqaalihiisu soo kobcayo, waxna ka beddelay habka ay u maarayso kheyraadkeeda dabiiciga ah, gaar ahaan dhanka macdanta. Sidoo kale, waxa ay door muuqda ka ciyaartaa madalaha caalamiga ah ee ay dalalku ku midoobaan, taas oo ay Soomaaliya u aragto fursad lagu xoojin karo iskaashiga laba geesoodka iyo kan heer caalami ahba.
Kulankii dhexmaray Madaxweynaha Mongolia iyo Danjiraha Soomaaliya ayaa lagu muujiyay rajo laga qabo iskaashi dhanka ganacsiga, maalgashiga, waxbarashada, caafimaadka, iyo kobcinta fursadaha cusub ee ay labada dal iska kaashan karaan si loo gaaro horumar waara.
Danjiraha ayaa uga mahadcelisay Dowladda Mongolia soo dhoweynta diirran iyo sida ay uga go’an tahay horumarinta xiriirka labada dal, iyadoo la isku raacay in la sii xoojiyo wadashaqeynta siyaasadeed iyo midda horumarineed.