Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Hon Ali Yusuf Ali – Xoosh ayaa xafiiskiisa kula kulmay Ku Simaha safiirka dowladda Norway u fadhiya Soomaaliya Danjire Carsten Carlsen.
Kulanka muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin; Dib-u-heshiisiinta, Dimuqraadiyadeynta, Doorashooyinka, Geeddi Socodka Nabad Dhiska iyo Xasilinta.