Dagmooyinka Xamar wayne, Shibbis iyo Boondheere waxaa maalintii 2-aad ka socda diiwaan-galinta Codbixiyaasha.

Waxaa maalintii 2-aad Dagmooyinka Xamarwayne, Shibis iyo Boondheere  kasocda diiwaan-galinta Codbixiyaasha,kuwaas oo la qorsheeyay in ay qeyb ka noqdaan doorashada golaha deegaanka dhacaysa June.

Boqolaal shacab ah oo ku dhaqan degmooyinka Xamarweyne, Boondheere iyo Shibis ayaa si weyn isugu soo baxay goobaha isdiiwaan-gelinta, iyagoona safaf dhaa-dheer u galay sidii ay isku diiwaan-gelin lahaayeen.

Guddoomiyayaasha dagmooyinka Xamarweyne Shibis iyo Boondheere ayaa soo dhaweyay in shacbka ay is diwaangaliyaan si ay codkooda u siiyaan cidda ay rabaan.

Mid ka mid ah odayaasha degmada Shibis oo isna dareenkiisa ka hadlay ayaa yiri sidaan “56 Sano kadib inaan maanta qaato Kaarka Diwaangalinta Cod bixinta waa ii farxad”

Ilaa hadda waxaa howlaha diiwaangelinta codbixiyaasha golaha deegaanka Magaalada Muqdisho waxay mareysaa 4 dagmo waxaana horay looga soo dhamaaday dagmada Shangaani oo iyada nasiib u yeelatay in laga bilaabo diiwaangelinta codbixiyaasha Gobolka Banaadir.

Muddo 60-sano ah ka dib shacabka Soomaaliyeed ayaa heli doona xaqooda dastuuriga ah ee ah in ay soo doortaan madaxdii hoggaamin lahayd, taas oo dadka Soomaaliyeed aad u soo dhaweeyeen.