Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo uu weheliyo Safiirka Soomaaliya ee Nairobi ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Agaasimaha Socdaalka Kenya

Nairobi:-Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Dhuxulow oo uu weheliyo Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Mudane Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Agaasimaha Guud ee Socdaalka Kenya, Marwo Evelyn Cheluget iyo Xoghayaha Amniga GudahaMudane Thomas Saka.

Agaasimaha Guud Mudane Mustafa Dhuxulow ayaa ugu horrayn uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran, waxa uuna kala hadlay Agaasimaha Guud ee Socdaalka Kenya xoojinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah ee adeegyada socdaalka, oo ay ka mid yihiin fududeynta safarka muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan helitaanka oggolaanshaha dal-ku-galka dalkaas. Waxa uu sidoo kale kala hadlay wadashaqeynta dhinaca amniga xuduudaha, is-dhaafsiga xogta socdaalka, horumarinta isku-socodka xuduudaha, iyo nidaamyada dijitaalka ah ee socdaalka.

Dhanka kale, Agaasimaha Guud ee Socdaalka Kenya, Marwo Evelyn Cheluget, ayaa xaqiijisay ballanqaadka Kenya ee ku aaddan xoojinta iskaashiga iyo hagaajinta wada-shaqeynta socdaalka ee labada dal.

Kulankan waxa uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo la horumarinayo adeegyada socdaalka si ay ugu adeegaan danaha shacabka labada waddan.