Baydhabo:-Boqolaal Shacabka Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed ayaa isugu soo baxay bartamaha Magaalada, kuwaas oo ku faraxsan jabka khawaarijta looga geystay deegaanka Daynuunaay.
Bartamaha Magaalada ayaa waxaa la geeyay khawaarijta lagu khawaarijay howlgallada barakeysan ee saakay hore ka dhacay deegaanka Daynuunaay oo saakay weerar lagu fashiliyey ku soo qaadeen.
Qaar kamid ah Shacabka oo la hadlay warbaahinta ayaa ku bogaadiyey ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed howlgallada barakeysan ee lagu laayay khawaarijta arxanka daran, iyagoo sidoo kale tilmaamay in waqtiga khawaarijtu dhamaaday loona baahanyahay uun in la dhameystiro.
Khawaarijta ayaa waxaa ku socda howlgallo nadiifin ah oo ka socda guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Jubbaland, iyadoo sidoo kale howlgallo ka dhan ah Khawaarijta Daacish aya ka socdaan Puntland.