Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay Madaxda Wasaaradda Warfaafinta SSC-Khaatumo

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxnaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa maanta waxaa uu kulan la qaatay madaxda Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Technology-yada ee Maamulka SSC-Khaatumo.

Wasiir Cadaala, ayaa sheegay in Wasaaradda Warfaafinta ee dalka ay garab taagan tahay Wasaaradda Warfaafinta SSC-Khaatumo garabna lagu siin doonao in wariyaasha ka howlgala maamulkaas ay helaan tababaro kor loogu qaadayo aqoontooda iyo sidoo kale in dib loo howlgalin doono xarumihii dalxiiska ee ku yaalay maamulkaas.

Wasiir Cadaala oo kamid ah wafdiga Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa sidoo kale tagay xarumaha ay ku shaqeeyaan qaar kamid ah Warbaahinta kala duwan ee ka howlgala maamulka SSC-Khaatuno.