Guddoomiyaha Aqalka Sare oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu wehelliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde ayaa shir guddoomiyay kulanka 1-aad Kalfadhiga lixaad ee Guddiga Joogta Golaha Aqalka Sare.
Ajandaha kulanka maanta ee Guddiga joogtada ayaa ku saabsanaa dib u qaabaynta qorshe howleedka fadhiyada guud ee Golaha oo ay ugu horeeyaan ajandaynta iyo kala horumarinta hindise sharciyeedyada iyo katashiga geeddi socodka howlaha kale ee Mudnaanta leh iyo hor-tebinta leh Golaha Aqalka Sare ee Baarlaamaanka JFS.
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo bogaadiyay shaqada wanaagsan ee xubnaha Guddiyadu ay u hayaan Golaha, ayaa dhinaca kale faray in ay laba jibbaaraan waajib gudashadooda, si loo dhammaystiro kalfadhigan shuruucda Golaha hortaalla.