Buulo-burte- Qeybaha kala duwan ee shacabka gobolka Hiiraan ayaa gurmad iyo garab istaag la dhic joogsaday Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka oo saaka cashar adag Khawaarijta ugu dhigay deegaanka Aboorreey ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu soo afjaray Khawaarijtii duulaanka kusoo qaaday deegaanka.
Shacabka degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa ciidamada la garab istaagay gurmad isugu jira raashin, caano iyo biyo si ay u taageeraan, una dhiirri galiyaan Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ku jira cirib tirka khawaarijta.
Dadkan oo isugu jira haween, arday iyo dad waayeello ah ayaa si xamaasad leh u taageeraya naftood hurayaasha xoogga dalka, taasi oo muujinaysa sida aan loogu kala harin dagaalka Khawaarijta duullaanka ku ah dadka, diinta iyo dalka.