Guddoomiyaha degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe Macallin Muxudiin Kulmiye ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgalkii saakay ka dhacay gudaha magaalada
Guddoomiyaha oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in howlgalka oo ahaa mid qorsheeysan khawaarijta jab xooggan lagu gaarsiiya gacanta looga dhigay xaruntii ay ku sugnayeen,ciidanka ayuu sheegay in wali ay wadaan howlagallo lagu xaqiijinayo amniga degmada.
Macallin Muxudiin Kulmiye guddoomiya degamada Ruun-nirgood ayaa inta hadalkiisa ku daray in howlgalka oo ahaa mid qorsheysan lagu burburiyay fariisimihii cadawga,haddana ay guuda ahaan amniga degmada ay gacanta ku hayaa ciidanka dowladda iyo kuwa degaanka.
Ciidamada, oo kaashanaya kuwa deegaanka, ayaa saaka aroortii hore bilaabay howlgallo lagu burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta, kuwaas oo hadda firxadkooda la dabajoogo.