Mareykanka oo xalay duqayn ka fuliyay togga Miiraale ee gobolka bari

Boosaaso- Diyaaradaha dagaalka dowladda Maraykanka ee qaybta ka ah la dagaallanka argagixisada ayaa xalay duqayn culus ka geystay togga Miiraale ee gobolka bari, halkaasi oo ay ku go’doonsan yihiin firxadka kooxda Daacish.

War qoraal ah oo kasoo baxay maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in duqeyntaasi lala helay bartilmaameedyo sax ah oo ay isku urursanayeen malleeshiyaadka Daacish.

Laamaha amaanka Puntland iyo dowladda Maraykanka ayaa sheegay in ay waxyeello ka soo gaadhay argagixisadu duqeyntii xalay dhacday balse weli lama xaqiijin inta uu qasaaruhu la egyahay.