Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya oo u kuur-galay xaaladda Ciidamada Qaranka

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya oo fulinaya amarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa booqday deegaannada furimaha dagaalka, si loo qiimeeyo xaaladda Ciidamada Qaranka iyo kuwa xaq u dirirka deegaanka ee Dagaalka kula jira Khawaarijta.

Saraakiishaan ayaa u kuur-galay xaaladda ciidamada xoogagga iyo  shacbiga u istaagay xoreynta deegaannadooda, iyagoo warbixinno ka dhageeytay ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ee jooga jiida hore ee dagaalka maadaama ay ku jiraan dagaal ay ku doonayaan in ay ku ceribtiraan kooxaha Qawaajinta oo bilaabay in ay ka qaxaan goobihi ay ku dhuumaaleysan jireen