Wasiir Xasan’’ Siyaadda Soomaaliya waxay horumar ballaaran ka sameysay xiriirka diblomaasiyadda caalamka,’’

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐜𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐰𝐚 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐝𝐨𝐨𝐝 𝐜𝐢𝐥𝐦𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐝𝐨𝐨𝐝𝐚𝐲𝐚𝐲 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐚𝐲 𝐮 𝐥𝐞𝐞𝐝𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐦𝐚𝐫 𝐤𝐚𝐥𝐞 𝐤𝐚 𝐦𝐢𝐝 𝐧𝐨𝐪𝐨𝐭𝐨 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐀𝐦𝐦𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲

Dooddan oo ay soo qaban-qaabisay Machadka Daraasaadka Diblumaasiyadda (IDS) ee Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Is-kaashiga Caalamiga ah, ayaa diiradda lagu saaray doorka Soomaaliya ee xoojinta amniga guud ee Caalamka iyo saameynta ay Soomaaliya ku yeelan karto Golaha Ammaanka.

Wasiir Xasan Macallin Maxamuud ayaa si qoto dheer u iftiimiyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay si rasmi ah ugu fariisatay miiska go’aanada caalamiga ah, Idaho, oo carabka ku adkeeyay in siyaasadda Soomaaliya ay horumar ballaaran ka sameysay Xiriirka diblomaasiyadda Caalamka.

Wuxuu intaa ku daray in ka qeybgalka Soomaaliya eego’aannada caalamiga ah ay tahay tallaabo muhiim ah sarrena u qaadeysa sumcadda iyo saameynta Soomaaliya ee masraxa caalamiga ah.

Madasha dood-cilmiyeedka ayaa sidoo kale, waxaaa goobjoog ahaa wasiirka warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska xukuumadda Federaalka iyo Danjire Yuusuf Garaad Cumar oo goobta ka jeediyay hadallo qiimo leh, qirayna in horumar dhanka diblomaasiyadda la sameeyay.