Ciidamada Xoogga Dalka oo Jab Xooggan gaarsiiyay Khawaarijta Al-shabaab

Ciidamada Xoogga Dalka iyo saw u dirirka Deanna ayaa jab culus Khawaariijta ku gaarsiiyay deegaanno dhaca Gobalka Shabellaha Dhexe

Geesiyada is garabsanaya ayaa weerar ku qaaday goobo Argagixisada ay gabaad ka dhiganayeen aagga Deegaanka laba Garas ee Gobalka Shabellaha

Ciidamada ayaa Dagaalka ku dilay maleeshoyaad iyo hormonal audio  kale, geesiyada Xoogga Dalka iyo saw u dirirka Deegaanka ayaa burburiyay guud ahaan goobihii gabaadka ey ka dhiganayeen Khawaariijta ee Deegaanka laba Garas.

Dhan kale Geesiyada CXDS iyo saw dirirka Deegaanka ayaa Deegaanka Sumadaale Kaga hortagay Xubno ka tirsan Khawaariijta oo Damacsanaa dhibaateynta Shacabka

Geesiyada ayaa burburiyay Gaari Walxalaha Qarxa ey Argagixisada ka so buuxiyeen kaa oo ey doonayen iney Shacabka ku dhibaateeyaan

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Ganeraal Sahal Cabdullahi Cumar oo ku sugan furimaha dagaalka ayaa tilmaamay in Khawaariijta jab culus la gaarsiiyay ciidamada ay ka hortageen dhammaan damacyadii gurracnaa Argagixisada ee ku aaddanaa dhibaateynta Shacabka

Deegaanka Sumadaale ilaa aaga Bur Shiikh ayay Ciidamada xiligaan sii baacsanayaan circadian. Khawaariijta.