Wasiirka Dhalinyaradda iyo ciyaaraha XFS oo caawa ka qeyb galay afur wadareed iyo sagootin loo sameeyey ciyaartooyda da’yarta

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud oo caawa ka qeyb galay afur wadareed iyo sagootin loo sameeyey ciyaartooyda da’yarta qarankeena 17-jirada kuwaasi oo ka qeyb galaya tartanka Kubadda Cagta da’yarta Afcon 2025-ka oo lagu qabanayo Morocco.

Xiriirka soomaaliyed ee kubadda cagta oo kaashanaya Wasaaradda Dhallinyarada iyo ciyaaraha ayaa caawa afur wadareedkan u sameysay ciyaartooyda macallimiinta iyo taageerayaasha Xulka da’yarta ee qarankeena.

Ciyaartooyda da’yarta qarankeena ayaa sanadkan ka qeyb galaya tartanka da’yarta Qaramada Qaarada Afrika, soomaaliya waxa ay kujirtaa group-ka C waxayna isku guruub yihiin xulalka Gambia Tunisia Senegal.

Xulka da’yarta qarankeena ayaa maalinta axadda ka amba bixi doona magaalada Muqdisho.