Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa soo xiray kulanka Wacyigelinta Doorashada Qof iyo Cod

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa soo xiray kulanka Wacyigelinta Doorashada Qof iyo Cod kaasi oo Wasaaraddu ay 4 maalin ku qabaneysay caasimadda Muqdisho.

Mudane Cali Xoosh oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in doorashada qof iyo cod ay sharciyad leedahay, ayna jirto rabitaan shacab isaga oo intaasi raaciyey in ay cid weliba mas’uuliyad ka saaran tahay ka shaqeynta hirgelinteeda.

Wasiir Cali Xoosh ayaa ku dheeraaday faa’idooyinka dimoqoraadiyadeynta, doorashada aof iyo cod iyo sida mar hore loogu baahnaa in dib loogu celiyo xuquuqdooda dastuuriga ah.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya waxaa uu bogaadiyey ciidamada xoogga dalka ee bishan barakeysan baacsanaya kooxaha Khawaarijta isaga oo adkeeyey in la garab istaago.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa 4-tii maalin ee lasoo dhaafay waxaa ay Muqdisho ku qabatay kulamo wacyigelin doorasho iyada oo lagu maamuuay Gobolka Banaadir, Odeyaasha dhaqanka. haweenka, Dhalinyarada, Culimada iyo qeybaha bulshada kuwaas oo taageeray qabashada doorasho qof iyo cod