Hay’adda NISA oo shaacisay in howlgal lagu dilay horjooge Yuusuf Dhegnaas

Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa shaacisay in howlgal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay Horjooge Yuusuf Dhegnaas iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta oo 20 kor u dhaafaya.

Sidoo kale, gaadiid dagaal ayaa Khawaarijta looga gubay howlgalkaas oo ka dhacay deegaanka Ceelbacad oo hoos taga degmada Ruun-nirgood.