Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee XFS oo gaaray Baydhabo

Baydhabo- Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee XFS mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa waxaa aqalka madaxtooyada magaalada Baydhabo kusoo dhoweeyay Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.