Hay’adda sirdoonka Qaranka oo ku raad-joogta horjooge ka tirsan Khawaarijta

Hay’adda sirdoonka iyo nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa soo saartay sawirka iyo macluumaadka horjooge Cabdullaahi Xasan Cabdi oo Khawaajita u qaabilsan aruurunta lacagaha baadda ah gobolka Banaadir, waxaana hay’addu shacabka Soomaaliyeed ka codsatay in lagu gacan siiyo soo qabashada horjoogahan oo khatar ku ah amniga dalka.