Madaxweyne Xasan Sheekh oo u hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Gudoomiyaha cusub ee Midowga Afrika oo maanta loo doortay Maxamuud Cali Yuusuf Wasiirkii Arrimaha Dibada ee Jabuuti.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub inuu wax badan ka qabto arrimaha muhiimka ah ee horyaala, asagoo sidoo kale bogaadiyay Guddoomiyihii hore Muuse Faki Maxamed.