Jawle:-Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa Howlgalo ka dhan ah khawaarijta ka wada dhulka miyigaa ah ee Jowle ku teedsan,deegaanka Jowle ayaa ka mid ah deegaanada gobolka Mudug.
Ciidamada ayaa Howlgalka ku dilay cabdulaahi siciid bulxiye oo ahaa amiirki Deegaanka Jowle khawaarijta u qaabilsanaa,
Horjoogahaan ayaa waxaa wehliyay oo Howlgalka lagu dilay 10 maleeshiyaad ah kuwaas oo ilaalo u ahaa,
Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ayaa sheegay inuu socdo Howgalku.