๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š ๐ช๐š๐š๐ญa๐ฒ ha๐ฒโ€™๐š๐๐๐š t๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐šd๐๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐š

Geneva-Switzerland- Wasiirka Wasaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada XFS Dr. Cali Xaaji Aadan oo uu wehliyo agaasimaha guud ee wasaaradda Dr. Guuleed Cabdijaliil ayaa kulan kula qaatay magaalada Geneva ee dalka Switzerland madaxa hayโ€™adda tallaalka adduunka ee loo yaqaan GAVI.

Kulanka ayaa waxaa lagu lafaguray sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta labada dhinac, iyadoo laga sii fakarayo kordhinta deeqda lagu bixiyo tallaalka si loo gaarsiiyo waddanka oo idil gaar ahaan meelaha laga xorreeyay khawaarijta, lagana wada shaqeeyo sidii loo isticmaaali lahaa hannaanka maaliyadda Soomaaliya loona soo marin lahaa lagacaha tallaalka wasaaradda maaliyadda XFS.

Wafdiga Wasaaradda Caafimaadka ee ka qeyb galaya shirka golaha fulinta ee hayโ€™adda caafimaadka addunka ayaa madaxda iyo dalalka kasoo qeyb galay shirka la qaatay kulamo duceedyo kala duwan oo diiradda lagu saarayay horumarinta iyo hagaajinta caafimaadka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada XFS waxaa ka goโ€™an horgeynta ajandayaasha horumarinta caafimaadka Soomaaliya goobaha looga arrinsanayo caafimaadka aduunka.