Duqa Muqdisho oo qaabbilay wafdi ka socda IOM

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa xafiiska kula kulmay wafdi uu hogaaminayo madaxa hey’adda IOM u qaabbilsan Soomaaliya Mr. Manuel Marques Pereira.

Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen dardargelinta sidii xal waara loogu heli lahaa maareynta barakacayaasha ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ay goob joog ka ahaayeen xafiiska Xalka Waara ee Gobolka Banaadir (DSU) ayaa inta uu socday waxaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay xal u helidda Barakacyaasha iyo sidii la isaga kaashan lahaa qorshaha maamulka gobolka Banaadir ee ku aaddan dib u dajin loo sameeyo barakacayaasha Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa sheegay in siyaasad cad uu ka leeyahay sidii xal waara loogu heli lahaa arrimaha la xariira maareynta nolasha dadka barakacyaasha ah, maadaama Muqdisho ay isku diyaarineyso doorasho qof iyo cod ah.