Wasiirka Warfaafinta XFS oo daahfuray kulan looga hadlayo xakameynta iyo ka hortagga faafitaanka fikradaha Xagjirka ah

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furay kulan socon doona afar maalmood oo ku saabsan doorka ururada bulshada ka qaadan karaan xakameynta iyo ka hortagga faafitaanka Fikradaha Xagjirka ah.

Kulankan ayaa waxaa si wadajir ah u soo Agaasimay Hay’adda Qaranka ee ka Hortagga Fikirka Xagjirka ee TUBSAN iyo Hay’adda CCCPT-ASWAN FORUM ee Dalka Masar.
Wasiirka ayaa xusay muhimadda kulankaan aqoon is weydaarsiga ah oo uu sheegay inuu ka tarjumayo fulinta heshiiskii istaraatiijiyadeed ee dhawaan magaalada Qaahira ku wada saxiixdeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Cabdulfataax Al Sisi.
Wasiirka Warfaafinta Mudane Daa’uud Aweys ayaa intaa ku darey in kulankaan uu dhanka kale xoojinayo kaalinta ay ururada bulshada ku leeyihiin dagaalka looga soo horjeedo Argagixisada iyo in dalka laga tirtiro Fikirka Xagjirka, taas oo qeyb ka ah saddexda tiir ee dagaalka Khawaarijta, kuwaas oo kala ah dagaalka Milateri, Xakameynta dhaqaalaha iyo habka fikirka.

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiiro, Diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale, sidoo kale waxaa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS Mudane Maxamed Barre, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda XFS Mudane Ilyaas Sheekh Cumar, Wakiilka Midowga Afrika Mohamed Al Emine Souef, Agaasimaha Guud ee TUBSAN Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Mas’uuliyiin kale.