Sacuudi Carabiya oo ajaanibta la tallaalay u ogolaaday gudashada Cumrada

Maamulka Dalka Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in sagaalka bishaan la bilaabi doonto helitaanka codsiyada la xiriira dadka doonaya gudashada Cumrada,gaar ahaan  kuwa ajaanibta ah ee la tallaalay.

Wakaaladda Wararka Sacuudiga ayaa sheegtay in laga bilaabo maalinimada Isniinta ah ee burrito  mas’uuliyiinta wasaaradda ee u xilsaaran xiriirinta xujeyda shisheeye ay bilaabi doonaan fududeynta codsiyada Cumrada ee dalal kala duwan oo adduunka ah.

Ogolaanshaha codsiyada gudashada Cumrada ayaa marka hore la siin doonaa 60,000 oo Xujey ah bishiiba, laakiin si tartiib tartiib ah ayaa tiradaasi loo gaarsiin doonaa laba milyan, ayaa lagu yiri warbixintaan.

Hadaladaan ka soo yeeray Sacuudiga ayaa yimid maalinimadii shalay kadib 18- bilood markii boqortooyadu ay xuduudo u xidhay xujayda ajnabiga ah sababo la xiriira cudurka faafa ee coronavirus.