Shirweynaha xeer ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed oo galay maalintii labaad

-𝗦𝗵𝗶𝗿𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝟳𝗮𝗮𝗱 𝗲𝗲 x𝗲𝗲𝗿 i𝗹𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱 ayaa maanta galay maalintii labaad kaas oo sanadkan diiradda lagu saarayo mowduuca muhiimka ah ee la dagaallanka maalgelinta iyo ilaha dhaqaalaha argagixisada.

Shirkan waxaa ka qeyb galaya madax sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, xeer ilaaliyeyaasha heer federal iyo heer dowlad goboleed iyo wakiillo ka socda hay’adaha amniga.

Shirkan ayaa maanta lagu soo bandhigayaa cilmi baarisyo muhiim ah oo ku saabsan sida looga hortagi karo maalgelinta argagixisada iyo curyaaminta dhaqaalaha u gudba.