Ra’iisul wasaare Rooble oo hambalyeey xubnaha loo doortay Guddoonka Gudidda hirgelinta doorashada Somaliland

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa u hambalyeey xubnaha Guddoonka Gudiga Guddiga Doorashada Somaliland ee SEIT ee  maanta oo Sabti ah is doortay.  Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku booriyay xubnaha guddoonka la doortay in ay dargaliyaan sida ugu dhaqsaha badan doorashooyinka  iyaga oo kaashanaya Guddiga heer Federal ee FEIT.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa sheegay uu sii wadi doono waan waantii uu ka dhex waday siyaasiyiinta Somaliland ee ay kala hogaamiyaan Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeen Mahdi Guuleed.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa dadaal iyo waqti badan galiyay sidii isfaham uu kala dhex dhigi lahaa garabyada Siyaasadda Somaliland walow ayan miro dhal noqon . Hadaba si loo hirgaliyo doorashada oo ay ugu horreysa hirgalinta doorashada aqalka sare ayuu Ra’iisul Wasaaruhu kulan la qaatay xubnaha Guddigii 11-ka ee SIET Somaliland isaga oo amray in dib la isu doorto .