Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa dhagax dhiggay Mashruuc weyn oo ka kooban Sima 5-Star Hotel oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee dalkeennu yeesho iyo Suuq (Mall) weyn oo ay u dhammeystiran yihiin dhammaan adeegyada Suuq casri ah looga baahan yahay.
Mashruucan ayaa qayb weyn ka qaadandoonaa horumarka dalka, si gaar ah caasimadda, isagoo abuuri doona fursado shaqo oo tiro badan.