Muqdisho oo xalay lagu soo bandhigay Waxsoo-saarka Bariiska dalka

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad casho sharaf ah oo lagu taageerayay wax-soosaarka dalka.

Munaasabadda ayaa inta ay socotay waxaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira wax-soosaarka dalka, gaar ahaan bariis ka soo go’ay Beeraha gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo isla bariiskaas lagu casheeyay, taasoo dhammaan ka qeyb galayaashu aad u bogaadiyeen kuna tilmaameen talaabo muhiim u ah dalka.

Munaasabadda oo ay ka qeyb galeen guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee golaha Shacabka, wasiirro ka tirsan XFS, xildhibaanno, ganacsato ururrada Haweenka iyo marti sharaf kale ayaa waxaa lagu aruuriyay dhaqaale la doonayo in lagu taageero beeraleyda Soomaaliyeed, lacagtaas oo dhan 179-kun oo dollar, islamarkaana loogu deeqay beeraleyda.

Guddoomiyaha kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Samatar oo munaasabadda ka hadashay ayaa beeraleyda Soomaaliyeed ku bogaadisay horumarinta dalagyada dal, taasoo sheegtay in waxbadan ka qaban doonto cunna yirida dalka.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ay wasaaraddiisa soo agaasintay munaasabadda ayaa yiri “Beeraleyda Soomaaliyeed waxaa ay sameysay isbedel weyn oo dhanka wax soo saarkooda, Dowladduna waxay siin doontaa garabka ay u baahan yihiin ee dhankasta ah”.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddalka Cimilada xukuumadda federaalka ee Soomaaliya Sareeye Guud, Mudane Bashiir Maxamed Jaamac ayaa bogaadiyay dadka isku howlnay iyo Xukuumadda gaar ahaan Wasaardda Beeraha oo bogaadisay.

Wasiir Bashiir waxa uu u mahadceliyay Wasiirka Beeraha XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) iyo howlwadeennada Wasaaradda oo uu ku bogaadiyay dhiirigelintooda Wax soo saarka dalka iyo in la iska kaashado sidii dhaqaalaha Soomaliya sare logu qaadi lahaa, iyadoo xoogga la saaraayo Beeraha.

Beeraha gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Caan ku ahaan jiray beerista Bariiska, iyadoo dalka oo dhan iyo dibadiisa loo iib geyn jiray, waana Bariis ka wanaagsan kana caafimaad badan midka dalka dibadiisa nalooga keeno sida ay sheegeen bahda aqoonta u leh cunnooyinka la quuto, taasoo keentay in wasaaradda Beeraha inay dhiirrigelin u sameeyaan beeraleyda Soomaaliyeed.