Ciidanka Daraawiishta Puntland oo Khawaariijta kala wareegay fariisimo muhiim u ahaa

Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa khawaarijta Daacish kala wareegay deegaannada kala ah Waadi-soor, Ina Ciddoole, Damal Cagagubyo, Diibow, Qaaqsiiye, Daad, Dal lo’aad iyo isha-Siido ee gobolka Bari.

Howlgallada ka dhanka ah khawaarijta Daacish ee ka socda gobolka Bari ayaa khawaarijta lagu gaarsiiyay jab xoogan, iyadoo laga saaray goobo muhiim u ahaa oo ay kamid tahay Taliskii Tuursamaale ay ku lahaayeen.

Ciidanka Daraawiishta Puntland Soomaaliya ayaa wali halkaas ka wada Howgallada ka dhanka ah khawaarijta, iyadoo saraakiisha Hoggaanka u ah Ciidanka sheegeen in gobolka Bari oo ah midka Soomaaliya oo dhan laga saari doono kuwa dhagarta badan ee dalka ku soo duulay.