Dadka reer Falastiin ee ku nool Gazaaza ayaa isugu soo baxay waddooyinka,kadib markii dhexdhexaadiyayaasha ay xaqiijiyeen in la gaaray heshiis xabad joojin ah oo dhexmaray Xamaas iyo Israa’iil.
Dabbaaldegyo iyo fantasyo loo sameynaayo heshiiskaasi ayaa ka dhacay Gaza,iyadoo ay muuqdaan rajo ku aadan soo afjaridda dagaalka u dhaxeeya Israel iyo Xamaas ee socday mudada 15-ka bilood ah.
Xabbad joojinta ayaa lagu wadaa in ay dhaqan gasho maalinta Axadda ee ku beegan 19-ka Janaayo sida ay ka dhawaajiyeen xubno u xilsaarnaa dhexdhexaadinta Israel iyo Xamaas oo maalmahaan ku shirayey Magaalada Doxa ee Dalka Qadar.
Dhinaca kale ciidamada Israel ayaa xoojiyay weerarada ay ku hayaan Marinka Gaza, iyagoo dilay ugu yaraan 40 falastiiniyiin ah tan iyo markii lagu dhawaaqay heshiiska, sida ay sheegtay warbaahintu.
Sarkaal ka tirsan Xamaas oo lagu magacaabo Izzat al-Rishiq ayaa sheegay in heshiiska lagu gaaray caasimadda Qatar ee Dooxa uu buuxinayo dhammaan shuruudaha kooxda Falastiin oo ay ku jiraan in ciidamada Israa’iil ay si buuxda uga baxaan Gaza, dib u soo celinta barakacayaasha iyo joojinta dagaalka.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa uga mahadceliyey madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo madaxweynaha la doortay ee Donald Trump kaalinta ay ka qaateen heshiiska lagu soo afjarayo dhibaatooyinka daraasiin la haystayaal ah iyo qoysaskooda.