Danjiraha Soomaaliya ee dalka Ruuska Maxamed Abuukar Subeer ayaa gaaray magaalada Moscow ee caasimadda dalkaas, halkaas oo uu ka bilaabanayo waajibaadkiisa shaqo oo muhiim u ah labada dal.
Danjiraha waxaa soo dhaweeyey xoghayaha 2-aad ee wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka Kashtanov Vasilii iyo diblomaasiyiin kale oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Federaalka Ruushka.