Qaramada Midoobay ayaa ku eedaysay Israa’iil inay sii waddo hor-istaaga gargaarka bini’aadanimo ee ku socda Gaza,xilli roobab mahiigaan ah oo watay daadad ay ku dhufteen Gaza.
Qaar kamid ah dadka barakacayaasha ah ayaa u dhintay qabow aad u daran oo ka jira Gaza sida ay ku warrameen mas’uuliyiinta maxalliga ah.
Maamulka Falastiiniyiinta ayaa ka dhawaajiyay in shan maxbuus oo horay loogu qabtay Gaza ay ku dhinteen xabsiga Israel.
Dhinaca kale,ciidamada Israel ayaa afar Falastiiniyiin ah ku dilay weerar ay ku qaadeen Jabalia oo ku taal waqooyiga Qaza ka dib maalin duqeymo ah oo ka dhacay Marinka Gaza ay ku dhinteen ugu yaraan 27 qof.
Qoyska Dr Hussam Abu Safiya oo ah agaasimaha Cisbitaalka Kamaal Adwan ayaa codsaday in la sii daayo dhaqtarkaasi oo ay horay u qafaasheen ciidamada Israel.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxaa ku dhintay ugu yaraan 45,541,halka dhaawaca Falastiin lagu sheegay 108,338 tan iyo bishii Oktoobar ee sanadkii 2023.