Nairobi – Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, Safiir ku-xigeenka Safaaradda Mukhtaar Mahad Daa’uud iyo diblomaasiyiin ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ku soo dhaweeyay Safirka Thailand ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya Marwa, Morakot Janemathukorn.
Labada Safiir ayaa ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Thailand oo in muddo ah soo jiray, isla markaana Thailand ay ka mid tahay wadamada Soomaaliya ay badeecaha kala duwan ka doonan jireen burburkii ka hor, haatanna ay Safaaraddu ku guuleysatay dib u soo celinta xiriirka labada dal.
Safirka Thailand ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya Marwa, Morakot Janemathukorn oo la hadashay Warbaahinta ayaa tilmaamtay ujeedka booqashadeeda uu la xiriiro sare u qaadidda xiriirka labada dal.
“Waxaan booqashadeyda an ugu imid Safiir jabriil iyo Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya aan uga wada hadalnay arrimo kala duwan oo ay ugu horeyso sidii aan u xoojin lahayn cilaaqaadka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Thailand, iyo kaalmo caafimaad oo aan Safaaradda Soomaaliya soo gaarsiinay”.
Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa xusay in Wafdiga Safiirka ay isla meel dhigeen sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal, isagoo inta ku daray inay ka guddoomeen deeq dawo ah oo loogu talagalay shacabka Soomaaliyeed.
Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle ayaa shaaciyay in dowladda Thailand ay tababaro siineyso shaqaalaha dowladda, si sare loogu qaado aqoontooda.
Ugu dambeyn Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa xusay in horaanta sanadka cusub la filayo in Wafdi heer Wasiiro ah oo ka socda Soomaaliya ay booqan doonaan dalka Thailand, kaasi oo qeyb ka ah dadaallada Soomaaliya ee ku aadan xoojinta xiriirka labada dhinac.
Dhawaan ayay ahayd markiii Danjire Jabriil uu socdaal ku tegay dalka Thailand, kaasi oo salka ku hayay in dowlada Thailand ay u soo bandhigto shacabka Soomaaliyeed adeegyada caafimaad ee casriga ah ee ka jira dalka Thailand, taasi oo fursad u noqon karta Shacabka Soomaaliyeed ee ay la soo darsaan cudurada aan lagu daaweyn karin dalka gudihiisa ee adeegyada caafimaad dalka dibsdiisa u raadsada uu wadanka Thailand ka mid noqon karo dalalka u furan muwadiniinta Soomaaliyeed ee u baahan adeegyo caafimaad oo tayo leh.