Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay guddi kumeel gaar ah oo ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka.
Guddigan ayaa loo xilsaaray diyaarinta xeerarka doorashooyinka, ururrada iyo xisbiyada siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, guddigan ayaa ka shaqayn doona sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo soohdimaha.