Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS oo ka tacsiyeeyay geerida Guddoomiyihii hore ee Gobolka Baay Maxamed Cali Adan (Qalinle)

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta  Xukuumada  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhaar Roobow Cali ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy dhamaan qoyska, ehelka iyo qaraabada,isagoo uga tacsiyeeyay  geeridii ku timid marxuum Maxamed Cali Adan (Qalinle) oo xalay ku geeriyoodey magaalada Baydhabo  ee Xarunta KMG ah ee Dolwad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiirku,wuxuuna marxuumkaasi ilaahey uga baryey inuu qabrigiisa u waasaciyo, kuna  arsaaqo Jannatul Fardowsa, qoyska, qaraabada iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeedna waxa uu faray sabar iyo iimaan.

Allaha u naxriistee marxuum  Maxamed Cali Adan  (Qalinle) wuxuu  ahaa rug caddaa siyaasi ah oo xilal kala duwan kasoo qabtey Dowladihii Dalka soo maray, gaar ahaan dowladii militeriga, wuxuuna door muhiim ah kasoo qaatey dib u yegleelida qaranka ee maanta la harsanayo, kadib QaranJabkii Dalka ka dhacay 1991.