Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Xuquuqda Naafada

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Xuquuqda Naafada oo ay horay golaha u horkeentay Golaha Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul insaanka ee XFS, 29 Senator ayaa ogolaatay in la meelmariyo sharcigan mana jirto cid ka aamustay.