Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Yaşar Güler ayaa dalka Turkiga ku kala saxiixday heshiis iskaashi maaliyadeed oo diiradda lagu saarayo iskaashiga difaaca.
Heshiiskan taariikhiga ah ayaa ujeedadiisu tahay xoojinta iskaashiga dhinacyada kala duwan, kobcinta iskaashi faa’iido u leh labada dhinac, waxaana heshiiskan lagu kala saxiixday kulan heer sare ah oo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan labada dowladood, iyadoo heshiiskan lagu soo bandhigay sida ay uga go’an tahay Turkiga inay Soomaaliya ka taageeraan dib u soo kabashada iyo dadaallada horumarineed ee socda.
Iskaashigan ayaa si gaar ah muhiim ugu ah Soomaaliya oo sii xoojineysa dib u dhiska Ciidankeeda, kadib sannado badan oo colaado iyo xasillooni darro ah.
Sida ku cad heshiiska, Turkiga wuxuu bixin doonaa kaalmo dhaqaale oo loogu talagalay mashaariicda horumarineed ee muhiimka ah ee militariga Soomaaliya, taas oo ka mid ah maalgelinta kaabayaasha muhiimka ah, kuwaas oo lagama maarmaan u ah kor u qaadista tayada Ciidanka Xoogga Dalka.
Tani ayaa ah Tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal iyo horumarinta difaaca, iyadoo dhamaan Muqdisho uu soo gaaray markabka baarista shidaalla Soomaaliya oo qeyb ka ah fulinta heshiiskii horay u gaareen labada dhinac.