Wasiirka Waxbarashada XFS oo furay mashruuca Bile

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa maanta ka furay mashruuca Bile oo ay iska kaashanayaan shirkadda Tabaarak, Shabakadda Waxbarashada iyo Cilmibaarista Soomaaliyeed (SomaliREN), iyo hay’adda Hormuud Salaam Fouundation, laguna tababarayo 150 arday oo jaamacadaha dalka ka dhigata cilmiga kumbuyuutarka.

Wasiir Faarax ayaa shirkadda Tabaarak, SomaliREN, iyo Hormuud Salaam Fouundation ku bogaadiyay iskaashigan lagu kobcinayo xirfadda iyo karaanka ardayda Soomaaliyeed. “Bulshadeennu waxay soo martay marxalad adag oo wax-wada-lahaanshuhu nagu yaraa. Waxaad bogaadinayaa shirkadda Tabaarak, SomaliREN, iyo Hormuud Salaam Foundation ee isu kaashaday hirgelinta mashruuca Bile. Waxaad tusaale fiican u tihiin macnaha ay iskaashigu iyo wax-wada-qabsigu leeyihiin.” ayuu yiri Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir

Wasiirka ayaa u hambalyeeyay ardayda fursadda u heshay mashruuca Bile oo ay jaamacadaha dalku ku soo xuleen aqoontooda, dadaalkooda iyo kartidooda, waxa uuna kula dardaarmay in ay ka miradhaliyaan mashruucan oo lagu diyaarinayo xiddigaha teknoolojiyada mustaqbalka Soomaaliya.