Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane H.E. Abdirizak Omar Mohamed oo shir jiraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay dhacdadii hadal haynta badan dhalisay ee sawirka MAPKA qaldanaa oo lagu soo bandhigay xafladdii soo-dhawaynta Markabka Oruc Reis ee shalay ka dhacday Muqdisho.
Wasiirka oo ka cudur-daartay cilladdaas farsamo ee sida qaldan ku dhacday ayaa sheegay in ay markasta u taagan yihiin fulinta qorshayaasha iyo siyaasadaha guud ee qaran, kuwaas oo ku salaysan ilaalinta midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed”.
Sidoo kale, warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Badroolka iyo Macdanta xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu faah faahiyay sababta keentay cilladda farsamo, cidda ka dambeysay iyo waliba iyo qaladkaas dhacay in aan looga dan lahayn kala qeybin siyaasadeed, gobol iyo deegaan gaar ah midna.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Maxamed Xaashi ayaa akhriyay warsaxaafadeedka oo sida u dhignaa:-
”Bismilaahi Raxmaani Raxmiin, waxaana shacabka Soomaaliyeed ooga mahad naqayaa sida niyadda samida iyo wanaagga lahayd ee ay ugu dabaaldegeen dhacdadii taariikhiga ahayd ee imaatinka markabka sahminta shidaalka ee ORUC REIS ee qeyb ka ahaa dadaallada loogu jiro ka faa’ideysiga kheyraadka dabiiciga ah ee dalkeenna si loo gaaro horumar dhaqaale iyo isku filnaasho nololeed, waxaa hubaal ah in dhacdadii shalay ay ahayd mira dhal ka dhashay shaqo qaran oo aad u baaxad weyn taas oo ah qabashadeeda uu mashquul iyo waqti dheerka galay howlwadeennadii u xilsaarnaa howshani taariikhiga ah, sida la wada filan karana shaqo kasta oo culeyskeeda intaa la egyahay natiijada laga rabaa guul qaran oo ummadda oo dhan ka wada farxiso tahay, waxaa suurta gal ah in ay dhacaan qaladaad farsamo oo aan ku talagal ahayn”,.
”Annagoo taa ka duuleyno waxaa ka cudur-daaraneynaa ciladihii farsamo ee soo baxay intii howshu socotay, taas oo ay ka mid tahay sawirka qariiradda ama Mapka lagu soo bandhigay munaasabaddii soo dhoweynta ee markabka, kaas oo ahaa mid ka yimid shirkaddii qaabilsaneyd naqshadeynta iyo hagaajinta muuqaalka munsaabadda, waxay shirkaddu isticmaashay Map aan ahayn midkii saxda ahaa, markii la wadaagnay falcelinta dadweynaha ka timid waxay noogu cudurdaareen in qaladkaas si aan ku talagal ahayn uga dhacay, maadaama ay adeegsadeen Map ay horay dad kale u sameeyeen oo internetka ku jiray, kaas oo wax xiriir ah la lahayn shaqadii wasaaradda Badroolka uga wakiilka ahayd guud ahaan xukuumadda iyo qaranka Soomaaliyeed”.
”Wasaaraddu waxay u taagan tahay fulinta iyo ku shaqeynta siyaasadaha guud ee qaranka, kuwaas oo jiheyn iyo jaangoyn ku sameeya wax kasta oo la qabanaayo, sida ku cad bogga rasmiga ah ee wasaaraddu macluumaadkeedu kula wadaagto bulshada, mana jiro meel aan ku isticmaalnay Map la mid ah kan hadda sida qaladka ah ugu yimid dhinaca shirkaddii nagala shaqeyneysay munaasabadda, sidaas darteed, waxaan bulshada Soomaaliyeed ka raali gelineynaa cilad kasta oo farsamo oo saameyn ku yeelatay yiddidiiladii iyo farxaddii ay qabeen, waxaan xaqiijineynaa in hoggaanka iyo howlwadeennadu wasaaraddu ay markasta u taagan yihiin in dadka iyo dalka ugu adeegaan si waafaqsan shuruucda iyo mabaadi’da guud ee Dowladnimadeenu ku dhisan tahay, kuwaas oo aan meelna ka soo gelin kala qoqob, kala qeybin siyaasadeed, gobol iyo deegaan gaar ah ka dhan ah. Waad Mahadsantihiin,”.