Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Turkiga, Dr. Alparslan Bayraktar iyo wafdi uu hoggaasminaayey.
Wafdigaan ayaa ka qeybgalaya Munaasabadda taariikhiga ah ee soo dhawaynta Markabka Oruc Reis ee howlo laxiriira sahminta shidaal u yimid dalka.
Kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo mas’uuliyiinta dowladda Turkiga, waxaa ka qayb galay Ra’iisulwasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.