Wasiiro ka tirsan XFS oo ay kamid ahaayeen Wasiirka Batroolka XFS Cabdirasaaq Cumar Maxamed ,Wasiirka Gaashaandhigga C/Qaadir Maxamed Nuur iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo soo dhaweeyay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Turkiga Al-Bashaan Beyraq iyo xubno kale oo la socday.
wafdiga uu hoggaaminaayo Wasiirka Tamarta ee Turkiga ayaa ka qeybgalaya xafladda loo sameynayo howlgalinta markabka sahminta shidaalka ee haatan ku xiran dekedda Magaalada Muqdisho.
Shalay waxaa dalka soo gaaray wafdi hordhac ah oo uu hoggaaminaayey wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Turkiga Muusa Heylad iyo Maareeyaha Batroolka Turkiga Axmed Tuglo