1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu soo laabtey kadib markii uu booqday dalalka Uganda, Burundi, Djibiuti iyo Kenya, wadahadalana la soo yeeshay madaxda dalalkaasi oo ciidamo qeyb ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ay ka joogaan Soomaaliya.
2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khadka Taleefonka kula Xiriirey Madaxweynaha Turkiga Recep Tayip Erdogan isagoo uga tacsiiyey weerarkii argagixiso ee ka dhacey magaalada Ankara.
3-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo ka qayb galay bandhigga waxqabadka maamulka Gobolka Banaadir ee 2023-2024.
4-Ra’iisul Wasaare Mudane Xamse Cabdi Barre oo ka qeybgaley shirweyne looga hadlayey hanaanka isticmaalka tiknoloojiyadda ee nidaamka maaliyadda.
5-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magacabay xubno cusub oo wasiiro ah oo uu ka mid yahay Cabdisalaan Cabdi Cali oo loo magacaabay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad.
6-Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay heshiis dhinaca difaaca oo dhexmaraya dalalka Soomaaliya iyo Tanzania.
7-Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay 195 dhalinyaro Soomaali ah oo ku xanibnaa dalka Libya.
8-Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige ayaa ka qeybgalay shirka sanadlaha ah ee Bankiga Addunka iyo IMF, isagoo soo bandhigay hormarka laga gaaray dib-u habeynta dhaqaalaha dalka.
9-Wasiirka Qorsheynta Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Faarax ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ku guuleysatay yareynta faqriga iyo kororka dhaqaalaha Dalka.
10-Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Baluugga Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa magaalada Jowhar ka daahfuray shirka afaraad ee arrimaha kalluumeysiga dalka.
11-Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in Ciidanka Xoogga Dalka ay ilaa 30 ka tirsan Khawaarijta ku dileen hawlgalo laga fuliyay deegaanka Qaycad ee Koofurta Gobolka Mudug.
12-Boqorka dalka Malaysia Sultan Ibraahim ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhin doona halkaasi Mudane Cali Maxamed Abuukar.
13-Wasiirka Caafimaadka Dr Cali Xaaji ayaa daahfuray mashruuc daryeel caafimaad oo ay ka faa’iideysanayaan in ka badan 50 kun oo ardey oo ka cabanaya dhibaatooyinka aragga.
14-Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsoyayesay geerida Abwaan Sugaal Cabdulle, oo ka tirsanaa Kooxda Heegan ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
15-Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Ciidamada Qalabka Sida ay dileen ilaa 40 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta argagixisada hawlgalo ka dhacay deegaanka Yaaqle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaanka Gariile ee Gobolka Galgaduud.
16-Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen ayaa ku guulaysatay in ay dalka dib loogu soo celiyo 157 muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xanibnaa dalkaas.
17-Hantidhowraha Guud ee Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Guutaale ayaa ka qeybgalay kulanka heerka sare ee Shirka Qorsheynta Baarista Hantidhowr ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika EAC. oo lagu qabtay magaalada Mwanza, ee dalka Tanzania.
18-Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho kula wareegtay maekab sidaty shixnad gargaar oo Turkiga ugu deeqay Soomaaliya.
19-Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa shir guddoomiyay kulan deg-deg ah oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan taliyeyaasha hoggaanda iyo qeybaha kala duwan ee booliska.
20-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr Wang Yu.
21-Taliye Ku-Xigeenka Ciidanka Dhulka Soomaaliya S/Guuto Cabdullahi Aadan Xuseen (Cirro) ayaa kormeeray deegaannadii dhowaan laga xoreeyey kooxaha Khawaarijta ah ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.